Home

OYSU oo San Diego Shir Uga Socdo

Xogta Shacabka (San Diego) Ururka Dhalinyarada & Ardayda Ogaadeniya ee OYSU ayaa shirwayne ay isaga yimaadeen aduunkoo dhan  uga furmay magaalada San Diego ee wadanka Maraykanka. Shirkan oo socon doona dhawr maalmood ayaa sida ay warbaahin kala duwan qortay lagu dhisi doonaa maamulka OYSU.

Dadka ka soo qayb galay shirkan waxaa kamid ah Gudoomiya Ku xigeenka ONLF Maxamed Ismaaciil iyo sidoo kale Maxamed Cabdi Yaasin (diirene) oo xubin ka ah Guddiga Fulinta Jabhada ONLF.

Ururka OYSU oo xubno badan ku leh wadamo badan oo Yurub ku yaalla iyo Waqooyiga Amerika ayaa ah laf-dhabarta taageerada ugu wayn ay ka hesho, Jabhada ONLF.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Al-Shabab & Liyu Boliska oo Xadka Ku Dagaallamay

Xogta Shacabka (Washington) Liyuu Booliska Kililka 5aad ayaa dagaal ay la galeen Al-Shabaab qudha kaga jaray 12 qof, sida ay sheegtay laanta af-Soomaaliga ee VOA. Dagaalkan dhex maray Al-Shabaab iyo Liyuu Booliska ayaa kadhacay dhulka xuduuda ah ee u dhexeeya Ethiopia iyo Soomaaliya meel 50 KM u jirta Balad Wayne.


HALKAN KA DHAGAYSO WARKA VOA EE KU SAABSAN DGAAALKAN

Radio Jigjiga oo Bilaabay Tabinta Warar Joogto Ah

Xogta Shacabka (Minneapolis) Websaytka Radio Jigjiga oo waayadan danbe dhisme ku socday ayaa maalmahan bilaabay warar maqal ah oo si toos ah uga soo waramaya magaalada Jigjiga, gaar ahaan arrimaha beesha Jidwaaq oo ay dawlada Kililku jeelka u taxaabtay odayaal ka tirsan, qaar kalena ay magaalada Addis Ababa ugu dacwo tageen.

Halkan Ka Dhagayso Warkii Ugu Danbeeyay ee Radio Jigjiga & Wariye C/raxmaan Sheekh Xasan oo ku magac dheer (Cabdi iidoor) oo wakhtiyo badanoo hada ka horraysay u halgami jiray xuquuqda gobolka Faafan

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Dr. Maxamed Gaani oo Lagala Noqday Dhulkii Hoteelka Ka Dhisayay

Xogta Shacabka (Jigjiga) Warar aan ka helnay magaalada Jigjiga ayaa ku waramaya in maamulka Kililku ay ka qaateen dhul uu maal-gashi ku samaynayey ganacsadaha lagu magacaabo Dr. Maxamed Gaani. Dhulkan oo sida na loo sheegay uu Dr. Gaani ka dhisay mundulayow yar yar oo qayb ka ah hoteel casri ah oo u dhismihiisa ku guda jiray.

Lama garanayo sababta ay dawladu dhulka dhismihiisu socdo ugala noqotay Dr. Maxamed Gaani oo ah mulkiilaha shirkada Amal Construction ee dhistay Isbitaalka wayn ee Referral Hospital-ka ah. Sida ay Xogta Shacabku horay u soo qortay, waxaa sidoo kale lagala noqday dhulkii Sheekh Shakuul oo isna dhisme suuq wayn ka bilaabay.

Dhulka ay dawladu ka qaadatay labadaas ganacsade ayaa daris la ah goob ay dawladu dib ugala noqotay Cabdi Yoonis oo kamid ah duqaydii beesha Jidwaaq ee dhawaan la xidhay, inkastoo sida ay Xogta Shacabku soo ogaatay aanu Cabdi Yoonis waxba ka dhisin dhulkaas oo u dawlada kaga qaatay inuu Isbitaal casri ah ka dhisi doono.

Dhulka lagala noqday Dr. Maxamed Gaani ayaa laga dhigay saldhig bilays, lana dajiyay booliska loo yaqaano Adhma-batanaaga ee Kililka 5aad. Shabakada Cakaaranews ee ku hadasha afka Kililka ayaa had aka hor Dr. Maxamed Gaani waxaan jirin looga sheegay.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Maxaa Saldhig u Ah Cabashada Beesha Jidwaaq?

Xogta Shacabka (Addis Ababa) Odayaasha beesha Jidwaaq ee u dacwo tagay dhanka dawlada dhexe iyo Addis Ababa oo sabab u ah guuxa ay beesha Jidwaaq maalmahan ka wado gobolka Faafan ayaa Xogta Shacabka si faah faahsan ugaga warbixiyay waxa ay ka abuurantaya cabashadooda rasmiga ah.  

Sida aan horayba u soo daabacnay in cabashada beesha Jidwaaq ay muddaba ahayd dhulkoodii oo laga boobayo, ayay arrintu cirka ku sii shareerantay, kadib markii shirkad dilaal ka noqota dhulka loo sameeyay gabadh lagu magacaabo Salma Xaaji Siraad oo suuqa ka saartay dhamaan dilaaliintii dhulka dadka u kala iibin jirtay oo badankoodu ka soo jeedeen beesha Jidwaaq.

Salma Xaaji Siraad oo ka timid wadanka Ingiriiska ayaa waxaa sida naloo xaqiijiyay keenay M/weynaha Kililka Cabdi Iley, isla mar ahaantaana garab ku siiyay inay samaysato shirkadan dhulka dillaasha. Odayaasha ayaa noogu waramay inaysan cidaan shirkadaasi soo marin dhul gadan karin ama iibin karin, iyadoo ay xiitaa Salma sida la sheegay sixiix ku leedahay ruqsada dhulka ee loo yaqaano sabar-loogada.

Waana arrinta ka cadhaysiisay dilaaliintii iyo dadkii dhulka lahaa oo lagu qasbay inay dhulkoodii u daba fadhiistaan shirkada gabadhaasi oo lacag aad u badan u qaadata guno ahaan. Sida ay odayaashu ku andacoonayaan Salma ayaa si toos ah ugu xidhan M/weyne Ku xigeenka Kililka C/fataax Macallin oo isagu laba geed kala booda cidii ay farta ugu fiiqdo.

Dhanka kale odayaasha ayaa ku dacwoonaya in duleedka magaalada Jigjiga dhanka Kaaradha ay dawladu dhawaan ka kicisay dhul ay lahaayeen dad ka soo jeeda beesha Jidwaaq, taasoo kor u sii qaaday dhulka ay dawladu hada kahor qaadatay oo kamid yihiin gagida dayuuradaha, goobta xoolaha lagu naaxiyo iyo dhul kale oo agagaarka Jigjiga ku yaalla.

Odayaasha beesha Jidwaaq ayaa markii hore isku dayay inay cabashadooda u gudbiyaan xukuumada Kililka, balse siday ay sheegayaan uu ku gacan saydhay M/weyne Ku xigeenka C/llaahi Ethiopia, sidaasi darteedna ay toobiyaha cagta saareen una dacwo tageen dhanka Addis Ababa iyo dawlada dhexe.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Dad Hor Leh oo Musuq-Maasuq Loo Xidhay

Xogta Shacabka (Addis Ababa) Komishinka la dagaallanka musuqa ee Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ay kor u kacday tirda shaqsiyaadka la qab qabtay ee lagu eedaynayo musuq maasuq. Af hayeen u hadlay komishinka la dagaallanka musuqa ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay in tirada ilaa haatan la xidhay ay tahay 53 ruux, isago intaasi ku daray inay ku raad taaganyihiin dad intaasi ka badan.

Dadka lagu eedaynayo msuqa ee jeelka loo taxaabay ayaa u badan masuuliyiinta Wasaarada Dakhliga iyo Kastamka ee heer Federaal iyo ganacsato waawayn. Sidoo kale ayay ku jiraan ehelka masuuliyiin sare.

10-kii bisha May ayaa jeelka loo taxaabay 12 qof oo ay kamid yihiin Wasiirkii iyo Ku Xigeenkii Wasaarada Dkhliga ee Dawlada Ethiopia.

Musuq maasuqa ayaa ragaadiyay horumarkii dhinaca dahqaalaha ee la filayay in dalku gaadho, sida uu baarlamaanka u sheegay Madaxa Komishinka La Dagaallanka Musuqa Cali Sulaymaan, isagoo intaasi ku daray in saraakiisha dakhligu yihiin meelaha ugu musuqa badan.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Fartuun oo Marsin Ka Soo Laabatay

Xogta Shacabka (Jigjiga) Wasiirada Xafiiska Biyaha ee Kililka 5aad Fartun Cabdi Mahdi ayaa ka soo laabatay safar ay ugu maqnayd dagmada Marsin ee gobolka Qoraxay oo Xafiiska Biyuhu ka qodayo ceelkii ugu dheeraa ee dagaanka laga qodo. Fartuun ayaa dagmada Marsin ku sugnayd mudo bil ku dhaw, iyadoo roobab aagaasi ka da’ay dartood wadooyinku xidhmeen, sida ay noo sheegeen ilo ku dha dhaw Xafiiska Biyaha.

Sida ay noogu warameen ilo lagu kalsoonyahay ceelka laga qodayo dagmada Marsin oo ah mid aad u dheer waqti badana ay qodistiisu qaadatay ayaa laga biya gaadhay, iyadoo ay Fartuun halkaasi u tagtay inay gayso qalabka ama bamka biyaha soo tuura oo hada lagu guda jiro rakibistiisa.

Dhanka kale Xafiiska Biyaha ee Kililka ayaa ku fashilmay biya galinta magaalada Jigjiga oo qandaraas lagu siiyay shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha. Masuul sare oo maamulka Kililka ka tirsan ayaa Xogta Shacabka u sheegay in laba todobaad kahor ay shirkada biya galinta wada warqad cabasho ah u soo qortay xukuumada taasoy kaga cabanayso in loo fasixi waayay shaqada ay qabteen lacagteedii.

Magaalada Jigjiga oo ah xarunta Kililka 5aad si aad ahna u koraysa ayaan lahayn biyo  si fiican u socda, iyadoo inta badan ay xaafaduhu isticmaalaan biyo dameer lagu keenay ama cidii ka bixi karta booyad.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Cabdi Iley oo Faallo.com Noo Soo Dhex Maray

Xogta Shacabka (Addis Ababa) Madaxweynaha Kililka Cabdi Iley oo horay ugu guul daraystey inuu hawada wadanka Ethiopia ka xidho shabakada Xogta Shacabka ayaa noo soo dhex maray websiteka Faallo.com oo u hawada Ethiopia ka xayiray mar hore. Cabdi Iley oo qaadan la’ in websayt aan kiisa Cakaaranews ahayn ay dadku si xor ah u akhristaan isla mar ahaantaana ay u suuroobi wayday inuu Xogta Shacabka dacwad ku xidho ayaa isku dayaya inuu ka dhigo inuu isagu leeyahay.

Ilo lagu kalsoonyahay oo Xogta Shacabka la soo xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyay in Cabdi Iley uu safar todobaadkii hore ku tagay Addis Ababa horay u sii kaxaystay C/raxman Bootaan, si ay dadku u arkaan inay wada socdeen, kadibna uu xogta ay Faallo soo qortay meelo kala duwan u mariyay in Xogta Shacabka ay iyagu leeyihiin. Arrintan ayay dad xog ogaal ahi noo sheegeen inay ku kaliftay kadib markaan kashifnay sharci darrada ay sirdoonkiisu ku dhagaystaan telefoonada dadka shacabka ah.

Cabdi Iley ayaa hada ka hor noo soo diray xogo badan oo u rabo inaan isaga si shaqsi ah wax uga sheegno ama madaxda kale ee dawlada, si ay ugu fududaato inuu Xogta Shacabka dacweeyo hawadana ka xidho, taasi oo ah xeeladii uu Faallo.com, RadioJigjiga, Kilil5, Dhanaan iyo kuwo kale kaga xayiriay hawada Ethiopia. Markaan ku fahamnayna uu isku dayayo inuu si dadban websaytyo kale noogu soo dhex maro yidhaahdona anaa leh Xogta Shacabka.

Shacabka Kililka 5aad ayaa aad u akhrista Xogta Shacabka kana hela xogta ay soo qorto, waxaanuna uga digaynaa cid walba oo isku dayda inay burush wasqaysan mar mariso Xogta Shacabka inaysan ku guulaysan doonin. Xogta Shacabku marna ka waaban mayso inay soo bandhigto sharci darada iyo cidii dadka shacabka ah war been ah ku qubta.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Maxamed Sharif "Baarray Waxaa Lagu Qoray 193 Milyan oo Birr Dakhli Dhan Inay Soo Xarayso"

Xogta Shacabka (Nairobi) Ku xigeenka Madaxa Warfaafinta ee Jabhada ONLF, Maxamed Shariif oo websiteyada taageera Jabhada ONLF  ku soo qoray inuu ka soo laabtay gudaha Ogaadeeniya, ayaa sheegay in dagmada Baaray maamulka kililku ku xukumeen inay soo xarayso dakhli lacageed oo dhan 193 Milyan oo Birr. Xogta Shacabka oo u kuur gashay  xaqiijinta amuurtaasi ayaa soo ogaatay inaysan jirin in dagmadaasi laga sugayo dakhli intaas iyo in ku dhaw toona.

Maxamed Shariif oo sida ay soo qoreen warbaahinta taageerta ONLF ka xog waramaya xaalada Ogaadeeniya ayaa yidhi Waxay hada maraysaa in la yidhaahdo waa inaad dakhli soo galisaan dawlada. Waxaa dagmooyinka lagu xukumay malaayiin lacagta Itoobiya ah. Tusaale waxaan joogay 8dii April meel ku dhaw degmada Baaray. Waxaan ogaaday oo aan xaqiijiyay in lagu qoray inay soo xareeyaan 193 milyan oo Birr. Lacagtan oo ah mid aad badan marka la eego nolosha dadka ku dhaqan dagmadaa.”

Hadaba wariyaha Xogta Shacabka ee Jigjiga oo si uu u hubiyo arrintaasi la xidhiidhay ilo wareedyo kala duwan , ayaa soo ogaaday inaysan xiitaa jirin dagmo laga sugayo dakhli ka badan 10 Milyan oo Birr. Inkastoo ay Xogta Shacabka wali baadhitaan ugu jirto tirada dakhli ee laga rabo inay dagmo walba soo xarayso, ayaan hadana ogaannay in dagmada Baarray laga sugayo dakhli ka yar 3 Milyan oo Birr.

Warbixinta Maxamed Shariif ka diyaariyay safarkii sida uu sheegay u ku tagay Ogaadeeniay oo  ka hadlaysa dhinacyo kala duwan ayay Xogta Shacabku baadhitaan ugu jirtaa xaqiijinteeda dibna an ka soo daabici doonaa natiijada. Warbaahinta kala duwan ee kala taageerta Jabhada ONLF iyo maamulka Kililka ayaa iyagu mar walba soo bandhiga xog ay fikirkooda ay ku xoojinayaan.

Si kastaba ha ahaatee, wakhti xaadirkan oo ay magaalooyinka waawaynn ee Ogaadeeniya ka jirto isgaadhsiin, lagu ogaan karo xaqiiqda ka jirta, ayay ku adagtahay inay dhinacyada is haya wixii ay donaan dadka u sheegaan.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Sirdoonka Kililka oo Dhagaysta Telefoonada Dadku Ku Hadlaan

Xogta Shacabka (Jigjiga) War goor dhawayd naga soo gaadhay ilo ku dha dhaw xafiiska N/galyada kililka ayaa sheegaya in sirdoonka Kililka 5aad loo ogolaaday  dhagaysiga  telefoonada dadka ay tuhunsanyihiin. Tallaabadan oo in muddo ah la isku diidanaa maadaama ay sharci-darro tahay in qofka muwaadinka isagoon ogayn la dhagaysto ayaa na loo xaqiijiyay in loo ogolaaday sirdoonka Kililka inay dhagaystaan ciday rabaan telefoonkeeda.

Ilaha aan xogtan ka soo xigannay ayaa noo sheegay in dad dhawaan lagu xidh xidhay Jigjiga la dhagaysiiyay hadalo ay ku dacaayadeynayeen xukuumada kililka. Inkastoo hada kahor la tuhunsanaa in ay Nabad-sugida dawlada dhexe awood u leedahay dhagaysiga telefoonnada, ayay arrintani fajac ku noqonaysaa muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta Kililka 5aad.

Ma kala cada in sirdoonka kililka ay heleen qalab ay ku dhagaystaan iyo inay ganca ka helayaan hayado kale oo dawlada Federaalka ah markay dhagaysanayaan telefoonnada. Arrintan ayaa laga yaabaa inay cabsi ku abuurto dadka telefoonada ku hadla oo ka baqaya in maamulka kililka oo ciday rabaan ka shakiya ay telefoonadooda dhagaystaan.

Lama garan karo tallaabo iyaduba sharci darro ah in qof maxkamad lagu saari karo iyo inkale . Ethiopa aya leh hal shirkad oo telefonada, taasoo ay dawladu leedahay siday rabtona ka yeesho.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Wasiirka Dakhliga oo Kulan Isbarasho ah La Qaatay Ganasatada

Xogta Shacabka (Jigjiga) Wasiirka Dakhliga ee Kililka 5aad Cumar-Siyaad ayaa kulan isbarasho ah la qaatay maal-qabeenada deegaanka gaar ahaan maareeyaasha bangiyada iyo xawaaladaha todobaadkii hore. Sida ay qortay shabakada ku hadasha afka xukuumada kililka ee Cakaaranews, Cumar-Siyaad ayaa maal qabeenada kala hadlay inay si wanaagsan u soo xareeyaan canshuurta dawlada.

Ilo lagu kalsoonyahey oo ay Cumar-Siyaad isku dhawyihiin ayaa noo sheegay inu wasiirku u sii tabaabushaysanayo dabayaaqada sannadka oo la filayo inay jeebka maal qabeennada soo gali doonto lacag badan isla mar ahaantaana ay dano badani kaga xidhnaan doonaan Xafiiska Dkahliga DDS.  Xafiiska Dakhliga ayaa kamid ah xafiisyada ay ganacsatadu aadka uga baqaan, taasi oo Cumar-siyaad rabo inay hantiilaydu bartaan masuulka dantoodu ku xidhantahay.

Kulankan wasiirka Dakhligu la yeeshay ganacsatada deegaanka ayaa ku soo beegmay wakhti ay dawlada Federaalku dagaal ba’an ku hayaso musuqa jeelkana loo taxaabay dhamaan masuuliyiintii heer Federal ee Dakhliga iyo ganacsato ay wax wada cun lahaayeen.

Mid kamid ah ganacsatadii ka qayb gashay kulankii lagu qabtay xafiiska Dakhliga oo Xogta Shacabka u waramay ayaa noo sheegay in wasiirku si fiican u soo dhaweeyay una muuqday nin macquul ah oo lala shaqayn karo. Wasirka Dakhliga Cumar-Siyaad ayaa kamid ah masuuliyiintii lagu magacaabay isku shaandhayntii u danbeysay ee golaha wasiirada kililka lagu sameeyay.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Fikradaha Akhristayaashu Ka Bixiyeen Shirkii Jidwaaq ee Jigjiga

Xogta Shacabka (Addis Ababa) Isha war qabadka ee Xogta Shacabka ayaa waxaa iska so daba dhacayey emailo fara badan oo qaar kamid ah akhristayaashu fikirkooda kaga dhiibanayeen dhacadooyinkii maanta Jigjiga ka dhacay ee ku saabsanaa shirkii ay xukuumada Kililku u qabatay shaqaalaha iyo odayaasha beesha Jidwaaq, iyo waliba xidhaygii Suldaan C/raxmaan Bade iyo Cabdi Yoonis. Fariimaha akhristayaasha oo aad u badnaa ayaan ka soo qaadanay kuwoodii ugu muhimsanaa.

Abdi Hassan (Jigjiga)

Waxaan ka xumahay in odayaasha Jidwaaq loo xidho cabashadooda, sababtoo ah hada ka hor qabiilo caban jiray ayaa jira kamid yihiin Gadabursi, Ciise, Cawlyahan iyo kuwo kale, wax la soo xidhayna kuma jirin. Maxaa keenay in la xidho odayaasha Jidwaaq? Anigu waxaan u arkaa in laga gar daranyahey, hadii wax loo xidhay uu yahay maxa u cabanayaan.

X. Rooble (Diridhabe)

Jigjiga dhawaantan waa la xidhaydu way ku yarayd laakin waxaan la yaabay in dadkan mucaaradka ah ee dawlada xabada ku ridaya magacanaga la ag dhigo. Waayo Ciise waa reer nabadeed weeyaan. Sida Absamaha dawlada qori uma sito, marka yaan Ciise tusaale loo soo qaadanin.

Siyaad (Minneapolis)

Waxaan aad uga xumahay xadhiga salaadiinta Jidwaaq iyo odayaasha oo runtii ay ka danbeayso dawlda, xiitaa kuwa dacwoonaya ee Addis Ababa tagay waa la diray dawlada unbaana dirtay oo dabinka u dhigtay. Waxa loo jeedona waa in dad la xidh xidho. Waxaan Dawlada kililka u sheegaynaa inay si dag dag ah oo bilaa shuruud ah u soo dayso odayaasha Jidwaaq, kuwa la raadsanayona faraha laga qaado.

Axmad Naasir (Dhagaxbur)

Aduunow futa xume!! Ma wixii nalagu hayay baa maanta Jidwaaq lagu qiimeeyay waa nabadiid? Dawladu maanta unban ogaaday inay daacad tahay mar hadii C/laahi Ethiopia oo marka Ree Isahaaq la sheego qabaalka ku soo boodi jiray maanta nabadiid ka dhex baadhayo Jidwaaq,Allaylehe saasaan ku waday. Waxaan ku dari lahaa in aysan dhibaatadu Jigjiga ku koobnayn ee masuuliiyiintooda ay baxaan tuulooyinka nabadiid ku joogo sida Bulladari iyo Mooyaha ay shirar ku soo qabtaan, khaasatan C/laahi Gazile iyo C/Qaadir iyo saraakiisha kale koonfaransiyo ha ku soo qabtaan Bulla Dari iyo Mooyaha, hana ka soo sifeeyaan nabadiidka ku dhuumanaya.

Xasan C/lahi (Nairobi)

Waxaan is lahaa dadka Kilika 5aad way ka il baxeen mucaaradnimo dawaladuna way iska daysey dadkii la xirayay. Dadka dhulku wuu ka dhexeeyaa waana dad wada dhashay ee arinta cagta ha loo dhigo odayaashana ha la sii daayo. Beesha Jidwaaqna Jigjiga shalayba xabashibaa haysatayee ma marka Soomaali idiin soo dhiciso ayaa ka xanaaqdeen.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Suldan C/raxman Bade & Cabdi Yonis oo Galaalshe Lagu Soo Xidhay

Xogta Shacabka (Addis Ababa) Qaar kamid ah odayaasha Jidwaaq ee Addis Ababa ku sugan oo la kulmay wariyaha Xogta Shacabka ayaa noo sheegay in Suldaan C/raxmaan Bade iyo Cabdi Yoonis oo ay bilaysku gacanta ku dhigeen maanta duhurkii, lagu xidhay jeel ku yaalla Galaalshe. Odayaasha ayaa noo sheegay inay warkaasi ka soo xigteen dad ku dha dhaw M/weyne ku xigeenka C/llaahi Ethiopia oo ay ku eedaynayaan inuu isagu bixiyay amarka lagu xidhay labada oday.

Odayaasha beesha Jidwaaq ee u waramay Xogta Shacabka oo naga codsaday inaan magacooda qarino iyagoo u baqaya amnigooda darteed, ayaa noo sheegay inay ka gadoodsanyihiin dhulkoodii oo ay Ogaadeen ka boobayaan, waa sida ay hadalka u dhigeenee, iyagoo bay yidhaahdeen ay isaga yeedheen ilaa qurbaha oy Jigjiga noqotay magaalo Ogaadeen. Odayaasha ayaa M/weynaha Kililka Cabdi Iley ku eedaynaya inuu Jidwaaq kula dhaqmayo qawda maqashii waxna ha u qaban, isagoo ka leexiyay dhamaan wixii horumar ahaa, oo markuu Ogaadeen wuxuu rabo siiyay, Jidwaaq aan waxba u ogolayn, waliba tixigaliya qabaa’illada kale sida Ciisaha iyo Isaaqa oo dhalasho ahaan Jidwaaqi ka xigto.

Mid kamid ah odayaasha oo ka cadhaysan sida uu sheegayo inay dawlada Kililku ula dhaqmayso beesha Jidwaaq, ayaa yidhi “ Cabdi Iley inuu ESTV noola soo fadhiisto Beer-caano ayaan mashruuc ka wadaa iyo Maraacaato ayaa qorshaha noogu jirta…magaaladanadiina maalinba qooddi nin Ogaadeen ah loo jeexo dhimashaan ka xignaa”. Dhanka kale waxay odayaashu ka cawdeen in Sheekh Muxiyadiin iyo Maxamed Burale oo maalin dhaweyd la xidhay ay Jigjiga ku xidhnaadaan Suldaan C/raxman Bade iyo Cabdi Yoonisna loola kaco Galaalshe ay tahay cadaawad iyo bahdil si cad loogu gaysanayo Jidwaaq.

Eedaynta dawlada ee ah inay odyaasha la xidhay ONLF xidhiidh la leeyihiin ayay gaashaanka ku dhufteen iyagoo noo sheegay in ONLF ay Ogaadeen leeyihiin, waxa Jidwaaq kaga jirana ay yihiin shaqsiyaad yar, balse nalagu qasbay inaan waxaan leenahay samaysano, Ogaadeena iska celino. 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Janaraal Qayo oo Digniin Culus U Diray Odayaasha Beesha Jidwaaq

Xogta Shacabka (Jigjiga) War dag dag ah oo goor dhawayd na soo gaadhay ayaa sheegaya in ay M/weyne Ku Xigeenka Kililka,C/llaahi Ethiopia iyo Komishnerka Booliska Kililka,Janaraal Qayo shir qiimayn ah u qabteen beesha Jidwaaq maanta, iyagoo hanjabaad gadhka u galiyay indheer garadka iyo aqoonyahanka beesha ee iyagu ka biya diidsan dhulkooda la boobayo. Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo masuuliyiinta Jidwaaq ay la yeeshaan beeshooda.

Ilo lagu kalsoonyahay oo Xogta Shacabka la soo xidhiidhay ayaa noo sheegay in Janaraal Qayo oo ay wajigiisa cadho ka muuqatay uu miiska u garaacay odayaasha iyo indheer garadka beesha, isagoo si kulul u waydiiyay “Maxaa ka maqan Jidwaaq? M/weyne ku xigeen, Hogaanka N/galayo, Hogaan Ku xigeen, Komishner Boolis, iyo wasiiro badan ayaad haysataan. Ma ONLF ayaad rabtaan inaad u daba dhaqdaan?”

Janaraal Qayo ayaa ku nuux nuuxsaday inaysan dawlada kililku u dul qaadan doonin carqalada iyo fadqalalada ay isku dayayaan af-miinshaariinta damacsan inay Jidwaaq ku danaystaan, isagoo intaasi ku daray in beesha Jidwaaq aysan cabashadoodu lamid ahayn ta beelaha nadiifta ah, ee Ciisaha iyo Gadabuursiga iyo kuwa lamidka ah, waa sida hadalka uu u dhigaye. Komishnerka ayaa ku hanjabay in uu jeelka dhigi doono budh-cad badan hadaan si dag dag ah loo so nadiifinin Bulladari iyo Mooyaha. Kadib markii shirkaasi laga soo dareeray ayaa Suldaan C/raxmaan Bade iyo Cabdi Yoonis jeelka loo taxaabay iyadoo ay boolisku baadi goobayaan qaar kale oo lagu eedaynayo inay kicinayaan beesha Jidwaaq. Dad shirka goob joog ku ahaa ayaa noo sheegay in Janaraal Qayo Suldaanka ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahey ONLF oo ay xaaskiiisu xubin wayn ka tahay.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Dawlada Federaalka C/fataax Sheekh C/laahi ayaa lagu soo waramayaa inuu albaabka ka xidhay odayaashii beesha Jidwaaq ee Addis Ababa u dacwo tagay. Mid kamid ah odayaasha oo u waramay Xogta Shacabka ayaa noo sheegay in uu C/fataax ku gacan saydhay inuu qaabilo duqayda Jidwaaq. C/fataax ayaa xeerinaya xidhiidhka wanaagsan ee wakhti xaadirka ka dhexeeya isaga iyo M/weynaha Kililka Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley). Ilo ku dha dhaw Odayaasha Jidwaaq ee Addis Ababa ku sugan ayaa Xogta Shacabka u sheegay in ay odayaashu ka war heleen Wasiir ku xigeenka Beeraha C/qaadir iyo Ku Xigeenka Entepris-ka Guuled Aw Cali oo Addis Ababa ka raadinaya si ay jeelka ugu taxaabaan.

Shirkan maanta loo qabtay beesha Jidwaaq ayaa la mid ah kuwii horay loogu qaban jiray beelaha kala duwan ee Kililka, taasoo beel walba loo xil-saaro inay soo qiimeeyaan masuuliyiinta ooga jirta xukuumada. Qaar kamid ah aqoonyahanka beesha Jidwaaq ee Jigjiga oonu wax ka waydiinay shirka maanta ayaa ku tilmaamay in C/laahi Ethiopia iyo Qayo ay kursigooda ilaashanayaan, balse ayna Jidwaaq ka aamusaynin in dhulkooda laga qaato. M/weynaha Kililka Cabdi Iley oo ku sugan Addis Ababa ayaa isagu gacmaha ka laabtay arrinta Jidwaaq iskuna daawanaya bal halka ay isla maraan masuuliyiintooda.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Wasaaradaha Federaalka oo Lagu Canaantay Inaysan Taageerin Kililka 5aad

Xogta Shacabka (Addis Ababa) R/Wasaare Ku Xigeenkii hore ee Ethiopia Addisu Lagese ayaa wasaaradaha dawlada Federaalka ku canaantay inay ka gaabiyeen gacantii loogaa baahnaa inay Kililka 5aad ka siiyaan dhanka horumarka. Kulan ay todobaadkan dhexdiisii ku wada yeesheen masuuliyiinta Kililka 5aad iyo madax ka socotay wasaaradaha Federaalka magaalada Addis Ababa ayaa lagu eegay heerka taakulada ay Federaalku siiyaan Kililka 5aad taasoo Addisu oo madax ka ah guddiga taakulaynta Federaalku canaan u soo jeediyay wasaaradaha dawlada dhexe.

Sida ay qoreen qaar kamid ah jaraa’idka Addis Ababa maalmahan ka soo baxay, waxay masuuliyiinta Soomaalidu ka cawdeen tayo xumo ka jirta dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo in si ku haboon aysan wasaaradaha Federaalku uga jawaabin codsiyada ay soo waydiistaan.

Wasaaradaha Beeraha, Caafimaadka, iyo Jidadka ee Dawlada Federaalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay ugu horeeyaan kuwa Kililka Soomaalida, ka xaasiday inay taakuleeyaan.

Lama garanayo inay canaantaasi wax ka badali doonto wasaaradaha Federaalka, balse waxaa sida naloo sheegay dib loo ballamay in shir la isugu yimaado labada dhinac, lana qiimeeyo in laga jawaabay cabashadii xukuumada Kililka iyo in kale.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Jabhad Cusub oo Gobolka Faafan Lagag Dhawaaqay

Xogta Shacabka (Jigjiga) Beesha Jidwaaq ee gobolka Faafan ayaa lagu soo waramayaa inay si qarsoodi ah u samaysteen Jabhad cusub oo lagu magacaabo Jabhada Xorayna Jidwaaq (Jidwaq Libration Front) Ilo wareedyo kala duwan oo magaalada Jigjiga nooga soo warama ayaa noo sheegay in guux waayadanba ka jiray magaalada Jigjiga oo ay beesha Jidwaaq ka cabanaysay in dhulkoodii qabaa’ilo kale magac dawladeed kaga qaateen, ay sabab u tahay inay abuuranto JLF.

Ilaha aan xogtan ka helnay ayaa noo sheegay inay jiraan odayaal ka soo jeeda beesha Jidwaaq oo baryahan shirar ku hayay magaalada Jigjiga ay qaar kamid ahi u kaceen dhanka Addis Ababa si ay dawlada Federaalka ugala soo xaajoodaan siday magaalada Jigjiga iyo gobolka Faafan uga goyn lahaayeen Kililka Soomaalida ugana dhigi lahaayeen Gobol Gaar ah ama (Liyuu Zone) ay Dawlada Federaalku maamusho.

Dhanka kale waxaa qaybo kale oo indheer garadka beesha Jidwaaq ah lagu soo waramayaa inay abaabulayaan ciidan hubaysan oo dagaal kala hortaga dawlada Ethiopia hadii ay ergada Addis Ababa u kacday xal keeni waayaan. Warar aanan wali xaqiijinin ayaa sheegaya in dhalinyaro ciidan noqota lagu uruurinayo meel u dhaw tuulada Bulladari oo ka tirsan dagmaada Jigjiga. Lama qiyaasi karo inay JLF xidhiidh iyo iskaashi la yeelan doonto ONLF iyo in kale.

Siyaasiyiinta beesha Jidwaaq ayaa lagu tuhunsanyahey inay qaar kamid ahi wax ka ogyihiin arrintan, inkastoo ay dadka hawshan abaabulaya aad isaga ilaalinayaan M/weyne ku xigeenka C/llaahi Ethiopia iyo Garaad Maxamud Dool oo ay u arkaan inay kaba qaad u yihiin waxa ay ugu yeedheen “Cadawga Jidwaaq”

Ilo lagu kalsoonyahey oo Jigjiga ku sugan ayaa noo xaqiijiyay in aad loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee Wiil waal, cabsi laga qabo dhibaato inay soo gaadho. Dib ayaan ka soo daabici doonaa faah faahin buuxda oo ku saabsan arrintan.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Maxkamada Federaalka oo Amartay In Lasoo Xidho Ganacsato

Xogta Shacabka (Jigjiga) War dag dag ah oo goor dhawayd na soo gaadhay ayaa sheegaya in Telefishinka Ethiopia warkiisii caawa lagu sheegay inay kor u kacday tirada dadka loo xidhay musuq maasuqa ee loo xidhiidhinayo masuuliyiintii Wasaarada Dakhliga ee dhawaan la qab qabtay. Maxkamada Federaalka ayaa amar ku bixisay in la soo xidh xidho ganacsato gaadhaysa 10 ruux, sida lagu sheegay warkii caawa. Ilo wareedyo nagala soo xidhiidhay magaalada Addis Ababa caawa ayaa noo sheegay in liiska dadka la eedaynayo ay ku jiraan ganacsato Soomaali ah.

Ganacsatada lagu eedaynayo inay ku lug lahaayeen musuqa ee caawa Telefishinka  laga sheegay ayay ku jiraan 2 ka soo jeeda kililka Tigreega, 4 ka soo jeeda kililka Oromada iyo laba ka soo jeeda Kililka Soomaalida.

Inkastoo aanan xaqiijin karin in xabsiga loo taxaabay, ayay hadana wararka Addis Ababa la isla dhex marayo sheegayaan in labada ganacasade ee Soomaalida ahi ay kala yihiin Najiib Shalakh-Been iyo Ina Cali Mahdi oo kamid ah ganacsatada Jigjiga.

Dhanka kale, waxay warar naga soo gaadhay Jigjiga sheegayan in jeelka loo taxaabay sargaalkii ugu sareeyay jibriga ee Jigjiga.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Raxma Haybe Maxay Ka Rabtaa Xaawo Aadan

Xogta Shacabka (Jigjiga) Wasiirada Haweenka ee Kililka 5aad Raxma Maxamud Haybe ayaa naftii Alla Lahayd u keentay maal qabeenada lagu magacaabo Xaawo Adan. Ilo lagu kalsoonyahey oo aad xog ogaal ugu ah Raxma ayaa Xogta Shacabka soo gaadhsiiyay inay Raxmo geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay siday Xaawo kadabkeeda u goyn lahayd.

Ila wareedyada aan xogtan ka helnay ayaa noo sheegay inay colaadoodu ka soo bilaabatay xilligii Daa’ud oo ay Raxmo muraayadaha ka jajabisay gaadhiga Xaawo Adan, taasoo markii jeelka la dhigay Raxmo uu u soo hiiliyay Cabdi Iley oo markaasi Hogaanka N/Galyada ahaa.

Hadaba Raxma oo wasiir laga dhigay markuu Cabdi Iley M/weynaha noqday, ayaa u tafa xaydatay siday Xaawo uga takhalusi lahayd. Dad xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyaya inay Raxmo ka danbaysey in Xaawo Aadan laga joojiyo dhismaha hoolka baarlamaanka ee ay qandaraaska ku qaadatay. Xaawo ayaa dhawr jeer Raxma uga ergootay dad asxaabteed ah inay ka qabtaan, balse laga xaal waayay.

Xaawo Adan ayaa kamid ah ganacsatada ugu waawayn kililka 5aad, iyadoo waayadan danbe maal-gashi balaadhan ku samaysey Jigjiga, kana dhisaysa suuq wayn oo dhawr dabaq ah ka soo horjeedka dugsiga sare.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Shirkii Loo Qabtay Shaqaalaha Darraad Maxaa Lagaga Wada Hadlay?

Xogta Shacabka (Jigjiga) Maalintii Talaadadii, waxaa shir loogu yeedhay shaqaalaha dawlada ee khabiir iyo wixi ka sareeya hoolka shiraraka ee Sayidka. Shirkaasi oo socday ilaa habeennimadii sida naloo sheegayna uu hogaaminayey M/weynaha Kililka Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) ayna ka soo qayb galeen dhamaan wasiirada kililka ayaa u muuqday mid lagu soo af-jarayey colaadii ka dhanka ahayd beesha Ree Isahaaq ee gobolka Jarar.

Ilo lagu kalsoonyahey oo shirka goob joog ku ahaa ayaa Xogta Shacabka u sheegay in shaqaalaha loo qiimaynayey si shaqsi shaqsi ah iyadoo si gaar ah loo waydiinayey waxa uu mid waliba ka qabtay hawlaha nabdagalyada. Ugu yaraan 6 kamid ah shaqaalihii ayaa jeelka loo taxaabay, halka qaar badan digniin la siiyay.

Shaqaalaha jeelka loo taxaabay ayaa u badnaa kuwo ka soo jeeda gobolka Jarar, walow ay Cabdi Iley iyo C/llaahi Ethiopia isku dayayeen inay sii hor dagaan iyagoo yidhi hadhaw ayaa la odhan “waxaa loo jeedaa Ree Isahaaq” waliba si gaar ah ay farta ugu fiiqeen labada wasiir ee C/raxmaan Guray iyo Khadar Dheere oo ay dheheen iyagaa hadalkaasi suuqa galin doona.

Qiimaynta shaqaalaha oo dhamaatay qiyaastii 11-kii fiidnimo, ayaa markaasi kadib ay shir albaabadu u xidhanyihiin galeen golaha kaabineetku, kaasoo sida na loo xaqiijiyay ay halkii ka sii socotay halgaadii lagu hayay Ree Isahaaq. Wasiirka Arrimaha Bulshada C/raxmaan Guray ayaa dusha laga saaray eedo badan iyo inuu yahay shaqsiga ay ka soo burqato dacaaydaha ka dhanka ah xukuumada uu madaxa ka yahay Cabdi Maxamud Cumar.

Dhanka kale waxaa isna eed midaasi lamid ah raaxada looga qaaday Khadar Dheere oo lagu eedeeyay inuu fidiyo dacaayadaha ka dhanka ah M/weyne ku xigeenka C/llaahi Ethipia. Qaar kamid ah aqoonyahanka gobolka Jarar oo Xogta Shacabka la soo xidhiidhay ayaa noogu waramay inuu qorshahan ka dhanka ah Ree Dhagaxbuur soo allifay Doolaal Aadan Dhagoole oo shirka galabtaasi joogay ayna soo wada galeen Cabdi Iley.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa habeenimaadi la soo gaba gabeeyay ol olihii lagu cidhib tirayay waxa loogu yeedhay “Dacaayada Ree Isahaaq” kadib markii dhufays walba laga saaray madaxdoodiina shaqaalaha hortooda dhulka lagula dhacay. Wasiirka Jidadka Khadar Dheere ayaa la go’aamiyay inuu hada kadib is-xilqaamo, dushana u rito arriamaha Jarar, iyadoo dhanka kalena M/weyne Ku Xigeenka C/llaahi Ethiopia loo sheegay inuu wixii hada ka danbeeya kor uga baxo arrimaha Ree Isahaaq.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Sheekh Axmad Madoobe oo Loo Doortay M/Weynaha Juba-Land

Xogta Shacabka (Kismaayo)  War dag dag ah oo naga soo gaadhay Kismaayo ayaa sheegaya in 495 cod uu ku guulaystay Sheekh Axmad Maxamed Islaan (Axmad Madoobe) oo noqday Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland. Sheekh Axmad Madoobe ayaa madax ka ah ciidamada loo yaqaano Raas-kambooniyiinta ee Jubooyinka.

Doorashada M/weynenaha ayaa la soo gaba gabeeyay daqiiqado ka hor.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Videos



Xogtashacabka Radio

Follow us